Emperor Posted January 17, 2008 Laascaanood: Ciidamada Somaliland oo xakameyn waayay Banaanbaxayaal doonayay Midnimada Soomaaliya ka dibna dhawaac soo gaarsiiyay Shacab. 17. januar 2008 Laascaanood(AllPuntland)- Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Laascaanood ee nabada Jecel ayaa saaka sameeyey Banaanbax balaaran oo ay uga soo horjeedaan Kooxaha Magaalada gacanta ku haya doonaya in ay Soomaaliya kala go'odo. Dadkan banaanbaxayay ayaa dhagxaan iyo Dhalooyin ku tuuray goobo ay joogaan Maleeshiyaadka Maamulka la baxay Somaliland ,waxa ayna dadkan sidoo kale ka soo horjeedeen kala go'eynta Jamhuuriyada Soomaaliya. Maleeshiyaadka Somaliland ayaa dhawaacay oo rasaasta ka dhacda Qoryaha saaran gaadiidka dagaalka uadeegsatey dadka Shacabkaa ee ku dhaqan Magaalada Laascaanood ,markii ay dadku diideen in ay joojiyaan Banaabaxooda. Muwaadiniintan ayaa ku dhawaaqayey Erayo looga soo horjeeda Maamulka la baxay Somaliland waxa ayna ku dhawaaqayeen hadalo lugu taageerayo Israaca iyo Midnimada Umada Soomaaliyeed. Kooxaha udhashay Magaalada Laascaanood ee jooga Magaalada ayaa amar ku baxshey sida lasheegay in dadkaasi Xabsiyada la dhigo ,balse dadka ayaa taasi ka dhiidhiyay waxa ayna diideen in ay soo humaajiyaan Maleeshiyaadka Somaliland. Axmed Yuusuf Yaasiin ,oo ah Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo la qorsheeyey in uu tago Laascaanood ayaa ka qaabsaday safarkiisii markii lugu wargaliyay in ciidamada Puntland ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo Milateri ayna magaalada ka socdaan dadaalo banaanbaxyo waa weyn laga dhigi doono. Mahan markii ugu horeysay oo ay Maleeshiyaadka heysta Magaalada Laascaanood dad Shacab ah uadeegsadaan rasaasta ka dhacda Qoryaha saaran gaadiidka dagaalka looguna talagalay in ay la dagaalamaan ciidamo Xoog leh oo ka soo horjeeda. Faarax Cabdulqaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 17, 2008 Warbixin Faahfaahsan Oo Ku Saabsan Sida Saaka Wax Uga Dhaceen Magaalada Laascaanood Jan 17, 2008 By: Laascaanood(Jidbaale.com):-Saaka aroornimadii ayaa waxa ay soo qaban qaabiyeen xubnaha ka soo jeeda beesha İsaaq iyo kuwa u adeega waxa ay ugu yeedheen dibad bax lagu taageerayo waxa ay beelaha İsaaqu ugu yeedhaan Gooni isu taag, waxayna xubnahaasi iyaga oo adeegsanaya wiilal ay maalin dagaal soo siiyeen iyo hal gaadhi oo kuwa loo yaqaano Mark11 isku dayeen in ay socod ku maraan waddada Laamiga ah ee magaalada. Laascaanood. Hasa yeeshee markii ay meel u dhaw Hutel Xamdi dhalin yaradii is taagtay, sawirrona iskaga qaadeen ayey damceen in ay magaalada soo dhex maraan, waxaase arrintaas is hortaagay bulshada xalaasha ah, ee iyagu ka dhiidhiyey in ay beesha ***** iyo kuwa xanuunka ka qaba ee u adeega waxa ay doonayaan u meel maraan, waxaanay shacabka xalaasha ahi waddada Laamiga ah ee dhex marta magaalada ku xidheen dhagaxaan iyo quraarado. Waxayna u diideen in ay soo maraan xubnaha ma kastada ah ee u adeegayey İsaaqa. Muddo ka dib ayaa shacabku dib u isu soo abaabuleen, iyaga oo wata Calanka Soomaaliya waxayna qaban qaabiyeen Muddaharaad lagaga soo horjeedo fikirka qaldan ee reerka İsaaqu wato, waxayna shacabkaasi socod ku mareen waddada laamiga ah, markay marayaan meel u dhaw Masjid Jaamaca ayaa waxa rasaas ku furay Malayshiyo ay wada wateen Nin dhawaan lagu baddelay Nacab U adeege Xuseen Taarwale, oo ka soo jeeda beesha Isaaqa Jilibka Arab, oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen ıyo Nacab u adeege Mahad Cambaashe, waxaana rasaas oodda looga qaaday shacabkii halkaasi ku sugnaa. Waxay markiiba wadnaha ka haleeshay wiil uu adeer u yahay Nacab iyo Cadow u adeege Dhakool.Wiilkaas oo lagu magacaabo Shaafici Maxamed Ismaaciil iyo qof haween ah, waxaana markiiba loola cararay Shaafici magaalada Garoowe, oo intii uu jidka ku sii jiray naftu ka baxday. Waxayna bilaabeen Malayshiyada İsaaqiya in laga ururiyo shacabka calaamadihii ay ku taageerayeen Midnimada Soomaaliya, iyaga oo hore u soo gubay intii Muddaharaadku socday Calanka laga soo qaatay Qabriga Sheekh İsxaaq ee lagu xardhay weedha Xaqqa ah ee baaddilka lagu raadinayo. Haddadba shabakada Jidbaale.com ayaa waxa ay nasiib u yeelatay in ay Sawirro ka qaado Muddaharaada-yaashii ka soo horjeeday waxa loogu yeedhay gooni isu taagga, halka saxaafadda u adeegta Malayshiyada İsaaqiya ay soo sawireen kuwa isaaqa lagu taageerayo iyaga oo iska indha tiray in ay sawiro ka qaadaan mujaahidiinta sharafta mudan. Magaalada Laascaanood ayaa kacsan waxaana ka jira dhaqdhaqaaq ay wadaan bulshada u dhalatay gobolka, kuwaas oo ay kaga arrinsanayaan xubnaha u adeega beesha İsaaqa, ee iyagu hore u sheegay in ay dawlad ******* rideen, haatana doonaya waxay ku riyoodaan oo ah Dawladda İsaaqiya . Shacabka reer Laascaanood ayaa maanta oo dhan ay u shidnayd dhulka saw anigu malihi ninkii dhoof ku yimibay geeridu dhibaysaa, wakhtigii dhammaayoo wuu dhaqaaqi doonaa. Cali Faarax Laascaanood Jidbaale.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 17, 2008 Shaafici Maxamed Ismaciil Oo Ku Geeriyooday Rasaas Ay Fureen Malayshiyo Uu Watay Ninka Lagu Baddelay Xuseen Taarwale. Jan 17, 2008 By: Laascaanood (Jidbaale.com):- Waxaa ku geeriyoodey Muddaharaadkii saaka ka dhacay magaalada Laascaanood Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Shaafici Maxamed Ismaciil, ka dib markii ay toogteen Malayshiyo uu watay Ninka lagu badelay Xuseen Taarwale ee İsaaq, kaas oo rasaas ku faray shacabka . Waxa kale oo ku dhaawacantay qof Haween ah. Run ahaantiina wuxuu Mudaaharaadkaasi ahaa mid ku salaysan sida shacabka xalaasha ah ee reer Laascaanood ay uga soo horjeedaan qaddiyada madax martay shacabka iyo maamulka Dirta Waqooyi, oo ilaa haatan aysan waxba uga suura galin fikraddan gurracan ee ay u soo bandhigeen waddamo badan oo caalamka ah. Muddaaharaadkan lagaga horjeeday maamulka midnimo-diidka iyo kooxaha u adeegaya ee deegaanka u dhashay, run ahaantii wuxuu ku noqday mid argagax leh, waxaanay xaqiiqsadeen in aanu marna shacabka reer Laascaanood aqbali doonin fikirkaasi ay beesha ***** wadato, doonaysana inay Soomaali kagaga go'do. Waxaana nasiib daro ah kooxaha yar yar ee iyagu deegaanka u dhashay, balse ay khaldeen kuwa u adeegaya maamulka Soomaalidiidka, oo iyagu doonaya inay danahooda ku fushadaan, hase ahaate waxay taariikhdan ka geli doonaan meel madow, Laascaanoodna shacabkeedu wuxuu mar walba u taagnaan doonaa midnimada Soomaaliya... Haddaba wixii warar ah ee ka soo kordha shabakada Jidbaale.com kala socda.. Laascaanood Jidbaale .com Quote Share this post Link to post Share on other sites