Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jabuuti oo diiday su’aal uu Wargeysi caalami ahi ka waydiiyay aqoonsiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwayne  Geele oo Wargayska Jeune afrique oo kusoo baxa luuqada Faransiisku uu waydiiyay in Jabuuti ay Somaliland aqoon sanayso ayaa sidan yidhi

Su’aal:- Somaliland oo deriskiina ah, waxay Soomaaliya ka go’day laba iyo soddon sannadood ka hor. Ilaa hadda ma jirto cid aqoonsan madax-banaanideeda. Ma qorsheyneysaa inaad tan sameyso?

Jawaab:- “Anaga ayaa noqon doona kuwa ugu dambeeya ee sidaas sameeya! Maxaad u rabtaa inaad dhibaatooyin kale noogu abuurto annaga?

Madaxda gobolkaan waa saaxiibo, waxaana la leenahay xidhiidh nabadeed, sida kuwa aan la leenahay dowladda Soomaaliya.

Iyada oo ay taasi ku kala duwan yihiin in Soomaaliya ay tahay dal federaal ah, oo aan ixtiraamno madax-bannaanida dhuleed.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this