Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubnaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka oo Xilka Lagu Wareejiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka iyo Wasiirka dastuurka ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xubnaha Guddiga madaxabanaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka xilka ugala wareegeen xubnihii hore,
Guddoomiyaha Guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka mudane Burhaan Aadan Cumar ayaa maanta xilka kala wareegay Ku-simihii Guddoomiyaha Guddiga ahna wasiiru dowlaha Wasaarada cadaaladda iyo dastuurka Marwo Muumino Sheekh Cumar.
Munaasabadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud, Guddoonka labada Aqa.
Xubnaha Guddiga, Guddoomiyaha Guddiga la socodka dastuurka labada Aqal Xil. Xuseen Iidoow, Xildhibaanada Laba gole ee Baarlamaanka, Agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka, Xoghayaha joogatada ee XRW iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa Guddiga madaxa banaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday, waxayna kula dardaarmeen in shaqada loo diray ay u qabtaan si danta dalka ku jirto.
337426760_534788325235567_35057874173932
338401754_162110986745665_63551380150093
338451312_611419410838404_32863954503744
338427567_734765694797762_40575201387787
338384136_1219620705593135_2165737164255
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this