Emperor Posted December 6, 2007 Ra’iisal wasaare Nuur Cade oo kulan la yeeshay Condaliza Rice Muqdisho Khamiis , December 06 2007 SMC Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Nuur Cadde oo kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Addis Ababa xoghayaha umuuraha dibada Mareykanka Condaliza Rice iyaga oo kawada hadlay Xaaladda Dalka Soomaaliya Kulankani oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa ayaa Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dalka mareykanka waxa ay kaga hadleen Xaaladdaha ugu dambeeyo ee dalka Soomaaliya. Kulankooda oo ahaa mid albabadu ay u wada xirnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday wada ay si wada jir ah Saxaafadda ugula hadleen Addis Ababa iyaga oo sheegay in ay kawada hadleen Xaalado quseeya labada dal. Ra’iisal wasaare Nuur Cadde ayaa u gudbiyay MRS.Rice Arrimaha ugu dambeeya ee dowladdiisa, waxaana uu u sheegay indowladdiisa ay shaqeyneyso isla markaana uu soo dhisay gole wasiiro inkastoo weli aysan hawlgelin. Waxaa ra’isul wasaaruhu sidoo kale uu u sheegay diplomaasiyiin Ameerikaan ah oo ay hoggaamineysay Rice in dowladda Soomaaliya ay dooneyso mashaakilaadka dalka ka taagan in ay kusoo xalliso miiska wada hadalka,isagoo yiri “waad la socotaan in ay dolwaddu intii aanan xafiiska imaan ka hor qabatay kulan weyne dib u heshisiineed taasina waxaa ay muujneysa sida ay madaxda dowladda uga go’antahay si nabad ah in ay kusoo afjaraan dhibaatooyinka dalka ka jira. Sidoo kale waxa uu sheegay Nuur cadde oo Saxaafadda Addis Ababa kula hadlayay in uu u gudbiyay Rice Dukumenti muujinaya sida ay u doonayaan in Arrimaha nabad geliyada ku wajahaan oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin jawi nabadeed in wax waliba lagu xaliyo. Dhinaca kale Shirkii jaraa’id oo ay qabatay Mrs.Rice ayaa iyana waxa ay sheegtay in Dowladda mareykanka gacan ku siineyso dowladda Soomaaliya sidii ay ku hanan laheyd dowladda federaalka Nabadda Soomaaliya. “Dhibaatooyinka arrimaha bini aadanimada la xiriira oo nalaku eedeeyo in aan meesha ka saarno ayaan usheegay Rice ,arrintaasna waxaa ay ahayd mid ay si aad ah usoo dhaweeyeen Rice iyo madaxda kale ee Afrikaanka ee shirka nala joogay” ayuu hadlkiisa sii daba dhigay Nuur Cadde. sidoo kale waxa ay sheegtay Mrs.Rice in ay mahad ballaaran u soojeedineyso dowladaha deriska la ah Soomaaliya waxayna tiri “Dalalka Afrikaanka hoggaamiye yaasha shirka ka joogay ayay Rice ku dhiiri gelisay in ay soo de dejiyaan ciidmadii nabad ilaalinta ee Soomaaliya ay u balan qaadeen” ayuu mar kale yiri ra’isul wasaaraha soomaaliya Nuur cadde. waa markii ugu horeysay oo Mrs, Rice ay ka hadasho arrimaha Dalka Soomaaliya iyadoo ay u tahay markii labaad oo ay cagaha soo dhigto Afrika tan iyo markii jagadani ay qabatay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 8, 2007 Landmark meeting overlooked by the SOL die hards but why? Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted December 8, 2007 word is that homie was snapped big time!! he got big lecture from condum rice... where it go.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 8, 2007 ^^^After all this time and you still dont make sense. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 8, 2007 I must do if they miss me so much. Quote Share this post Link to post Share on other sites