Sign in to follow this  
Deeq A.

Mu’adin dil argagax leh ka geystay masjid ku yaalla duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
masjid.jpg?fit=640%2C480&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo saaka ka dhacday waaxda Carafaad oo ka tirsan deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kadib markii uu nin mu’adin ah masaajid ku yaalla deegaanka ka geystay fal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Mu’adinka ayaa la sheegay inuu dilay Imaamkii Masjidka, kadib shaqaaqo ka dhex-dhacday gudaha masjidka, waxaana sidoo kale uu dhaawacay wiil kale oo dhalinyaro ah.

Dhacdada ayaa timid kadib muran soo kala dhex-galay wiilka yar oo gacan yare u ahaa imaamka iyo wadaadka mu’adinka ah, waxaana meesha ka dhacay gacan ka hadal.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in imaamka oo sidoo kale ahaa Macallin Dugsi uu isku dhigay wiilka yar, kadib markii mu’adinka uu soo qaatay baangad, waxayna baagadii ku dhacday marxuumka oo isla goobta ku geeriyooday.

Labada nin ayaa saaka saaladdii subax midna uu aqimay, midna uu salaadda tujiyay jamaacada masjidka, sida uu sheegay qofka goobjoogaha ah.

“Saaka Garasbaaley shaqaaqo aan la yaabnay ayaa ka dhacday laba nin oo masaajidka midna imaam ka ahaa midna mu’adin ayaa is qoomay oo is dilay. Labaduba salaadda subax mid waa aqimay midna dadkii ayuu tujiyay,” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kal wuxuu sharraxaad ka bixiyay sida uu falkan u dhacay, maadaama uu wax uu ka dagan yahay xaafadda uu ku yaalla masjidka ay wax ka dhaceen.

“Waxa wax dilay waa mu’adinka waxa la dilayne waa imaamkii marka salaadda subax laga kala baxay oo laga kala tegay waxaa ku haray isaga iyo ninka imaamka ahaa oo sidoo kale ahaa Macallin Dugsi Qur’aan iyo gacan yaraha imaamka oo isna kabiir ka ah dugsiga, kadibna wiilka kabiirka iyo ninkaan wax dilaayo ayaa diriray sawir laga qaaday ayaa la’isku qabtay kadib ninkaas canuga ayuu dili rabay imaamkii canuga ayuu isku hordhigay shan baangad ayaa ku dhacday meesha ayuuna ku ruux baxay,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Canuga dilka ka billowday ee sababta uu ahaana hadda isaga oo labada gacan ay go’an yihiin wuxuu yaallaa isbitaalka, waana dhaawac liito,”.

Allaha u naxariistee Imaanka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle, halka isna ‘mu’adinka dilka geystay’ magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Cali Xuseen, kaas oo la sheegay in dhacdada kadib uu goobta isaga baxsaday.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ee dowladda iyo maamulka degaanka Garasbaaley oo ku aadan falkaas.

Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Internet-ka.

The post Mu’adin dil argagax leh ka geystay masjid ku yaalla duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this