Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaadada Dhulbahante oo shaaciyay inay si rasmi ah u aqbaleen codsi xabad joojin ah oo kaga yimid madaxda Dhaqanka ee Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garaadada SSC ayaa sheegay in Isimada Dhaqanka ee ka yimid Muqdisho ay ka dalbadeen xabad joojin si loo joojiyo dagaalka Sool arrintaasi ayay sheegeen in ay aqbaleen.

Suldaan Mustafe Aw-seed, ayaa shaaciyay in dhinacooda ay si rasmiya u aqbaleen codsiga xabad joojinta ee madaxda Dhaqanka ee Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku sii daray in dhinaca kalena (Somaliland) ay ka rajaynayaan in ay xabad joojin ku dhawaaqaan.

Odayaashan oo shalay yimid Laascaanood ayaa maanta dib ugu laabtay Garoowe iyagoo haddana qorshaynaya in ay ku dedaalaan in ay yimaadaan Hargeysa inkasta oo aan weli xukuumadda Somaliland ka hadal socdaalka Odayaasha Muqdisho.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u shaacisay xabad joojin balse dorraad ayay shaacisay in ay qaadi doonto weeraro qorshaysan iyadoo intaasi raacisay in hore Ciidamadeedu u ahaayeen difaac keliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this