Deeq A. Posted March 29, 2023 Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa u yeertay safiirka Faransiiska si ay “si xooggan ugu cambaareyso” go’aanka uu Senate-ka dalkaas ku marti-geliyey koox Kurdish ah oo ka dhisan Syria, oo Ankara ay u aragto argagixiso. Pierre Laurent, madaxweyne ku-xigeenka Senate-ka Faransiiska, aya Axaddii twitter kusoo qoray inuu marti-geliyey wafdi ka socday waqooyi bari Syria, toddobaadkii tegay, si uu ugala hadlo xaaladda gobolka. Warbixino ayaa sheegay in Senate-ka uu billado ku abaal-mariyey xubnaha kooxda YPG, iyo faraceeda haweenka, si loo aqoonsado dagaalkooda kooxda Daacish ee Syria. Mareykanka iyo dalal kale, ayaa si kastaba, u arka kooxaha Kurdish-ka ee Syria, inay xulufo muhiim ah u yihiin dagaalka ka dhanka ah Daacish, waxayna siiyeen taageero, ayaga oo ka careysiiyey Turkey. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo u yeertay Safiirka Faransiiska appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites