Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo mar kale ku celisay in ay dagaal ku qaadayso Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
2023329638156524148863396.jpg?resize=660

Taliska Ciidamada Somaliland ayaa mar kale ku celiyay in ay weerar ku qaadayaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka Ciidamada Somaliland ayay mar kale ku sheegeen in ay qaadayaan hawlgal qorshaysan si ay dib ugu qabsadaan Laascaanood.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaas qorshaysan ujeedkiisu yahay in Laascaanood lagu soo celiyo nabad iyo xasilooni.

“Taliska Gooja-cadde waxa as aasay Ciidamada Difaaca Somaliland waxaana taageeray Qaramada nabada iyo dimuquraadiyada jecel ee beesha caalamka. Hadda howlgalka nabad soo celinta ee socda u jeedadiisa ugu wayni waxa weeye in nabad iyo xasilooni lagu soo celiyo Laascaanood” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Todobaadkan waa markii labaad oo Somaliland sheegto in ay weerar ku qaadayso Laascaanood iyadoo laba maalin ka hor warkaas ku dhawaaqday.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo mar kale ku celisay in ay dagaal ku qaadayso Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this