Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   
337856608_592390759504028_21796740523147

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaadiid dagaal kala wareegtay dowladda Turkiga, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Munaasibad kooban oo ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho ayaa waxaa gaadiidkaas ay dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaliya kula wareegay wasiirka gaashaandhiga xukumadda federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa uga mahad-celiyay shacabka iyo dowlada Turkiga oo uu sheegay in “hiil iyo hooba” ay la garab taagan yihiin xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed.

“Waxaan maanta dekada Muqdisho kula wareegey gaadiid ay noogu deeqdey Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga, Waxaan u mahad celinaayaa Shacabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Gaadiidkaan ay ku deeqday dowladda Turkiga ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu tayeeyo ciidamada xoogga, gaar ahaan GorGor, sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhiga oo maanta la wareegay.

Gaadiidkaan dagaal ayaa waxay keenistooda ku soo aadaysa xilli ay dalka ka socdaan howl-gallo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka ka socda dalka waxay kaalmo milateri iyo saanad ciidan ka helaysay dalalka saaxiibka la ah, kuwaasi oo muujiyay inay diyaar u yihiin inay ku taageeraan dagaalka Al-Shabaab.

337739462_747546223749496_50139368186560 337834414_600203021738524_72756189950397 337856608_592390759504028_21796740523147

The post Sawirro: DF oo Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this