Sign in to follow this  
SOO MAAL

Koox dhaqaatiir oo Maanta Soo gaartay Magaalada laascaanood.

Recommended Posts

SOO MAAL   

Koox dhaqaatiir oo Maanta Soo gaartay Magaalada laascaanood.

 

{Laascaanood} 07 May 2005 Koox dhatiir ah oo ka socday Gobalada Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay soo gaareen Magaalada Laascaanood, waxaana ay booqdeen qaybaha kala duban ee Isbitaalka Laascaanood. Haddaba daawo sawirada oo dhagayso Codadka.

 

Waxaa manta soo gaaray Magaalada lascanood wafdi Dhaqaatiir ah oo siminaar todobo casho ah uu uga socday Magaalada garowe kaasi oo ku sabsana Hiv aids-ka waxaana wafdigaani horkacayey wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cali Cigaal Axmed.

 

Dhaqaatiirtaani ayaa ka kala yimid isbitaalada dhamaan gobalada soomaaliya isbitaaladaasi oo isugu jira kuwa si gaar ah loo leeyahay iyo kuwii hore ee dayactirka lagu sameeyey.

 

Mas’uliyiinta Gobalka sool iyo qaar kamid ah Dadweynaha Magaalada laascaanood ayaa wafdiga dhaqaatiirta waxaa ay uga hortageen meel ka baxsan magaalada waxaana markii ay yimadeen magaalada ka siiyeen warbixinta guud ee gobalka iyo tan caafimaadka Maamulka gobalka iyo wafdigii xildhibanada eek u sugnaa laascaanood waxaana wafdiga dhaqaatiirta kamid ahaa laba afrikana ah oo ahaa macalimiintii casharada bixinaysay.

 

Dr Xangul oo kamid ah dhaqaatiirta Magaalada Muqdisho ayaa widhwidh online u sheegay in socdaalkooda uu yahay oo keliya Magaalada Lascaanood Magaalooyinka Galkacyo iyo Bosaso oo ay doonayeen inay soo booqdaana ay u surageliweyday wadada boosaso oo ku dheeratay iyo mida galkacyo oo raf ah balse ay usura gashay tan laascaanood.

 

Dhaqaatiirta ayaa waxaa kamid ahaa kuwa ugu cansanaa Dr Shahaado oo Ka socday dhaqaatiirta Puntland Dr Xangul oo ka socday Isbitaal madiina Mogadisho Dr Buraale oo ka socday Laascaanood Drs Deeqo Axmed Ducaale Xaaf oo ka socotay Isbitaal banaadir Xamar Drs Isniino Axmed Muuse oo ka socotay Bosaso Private Health xaawo xasan oo galkacyo ka socotay.

 

Dr. Siciid Warsame Shahaado oo isaguna u waramayey Widhwidh Online ayaa sheegay in dhaqaatiirtaan ay yihiin kuwa ka socday isbitaalada isla markaana ku faraxsanyahay isdhexgalka Dhaqatiirta Soomaaliya iyadoo dadka qaar aaminsanyihiin in aysan jirin wax is dhexgal ah oo ka dhaxeeya Dhaqaatiirta Somaliya.

 

waxaa kaloo kamid ah Wafdiga oo Hogaaminayey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimadka ee Maamul Gobaleedka Puntland Md Cali Cigaal Axmed.

 

Haddaba waraysi aan la yeelanay wasiir Ku xigeenka iyo Hadaladii halkaasi laga yiri ka dhagayso Halkaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Good development!!!

 

1) Cooperation between Somalia’s provinces

2) Freedom of Mobility of citizens

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this