Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230328_084629115.jpg?resize=594

Ciidamada Somaliland ayaa saaka abaabul iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada duleedka Laascaanood.

Qaar kamid ah gaadiidkii dagaalka oo laga soo qaaday dhinaca Dhuxun ayay sida la soo werimayo ku soo xoojiyeen difaacyada laga ilaaliyo Taliskooda Gooja-cadde.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland 24 saac ee soo aaddan isu diyaarinayaan weerar kale kadib markii lagu jebiyay duulaankii ay maalin ka hor ku qaadeen Laascaabood.

Mudda 50 cisho oo uu socdo dagaalka Laascaanood ayay Ciidamada Somaliland weeraro kala duwan ku hayeen magaalada si ay dib ugu qabsadaan waxaase mar kasta iska difaacayay dadka degaanka.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this