Sign in to follow this  
Deeq A.

ABSHIR Axmed Macalin oo sanado badan kadib isku soo dhiibay ciidamada dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1679920625030.jpg?fit=720%2C540&s

Baydhabo (Caasimada Online) – Abshir Axmed Macalin oo sanado badan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada qeybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howl-gala degaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Abshir ayaa ka tirsanaa qeybta ay kooxda ugu yeerto “Jabhadaha”, wuxuuna sheegay inuu ka qeyb-galay dagaalo dhowr ah, gaar ahaan kuwa ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Baay.

Ninkaan ayaa waxa uu sheegay inuu u dulqaadan waayay dhibaatada kooxda ku haysata Duurka, taasi oo ku kaliftay inuu isku soo dhiibo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay.

“Waa u adkeysan waayay rafaadka ku haysta duurka iyo sida ay uga been sheegayaan Diinteena suuban ee Islaamka, iyo weliba dhibaatada joogtada ah ee shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ku hayaan,” ayuu yiri Abshir Axmed Macalin oo muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Abshir Axmed Macalin ayaa waxa uu baaq u direy saaxibadiisa kale ee ku haray kooxda Al-Shabaab in ay isaga Soo baxaan kana faa’iidaystaan cafiska dowladda u fidisay xubnaha ka kasoo laabanaya fikradaha gurracan ee xagjirka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno Shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo sheegayay in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin iyo in ay u adkeysan waayeen howl-galada kooxda uga socda qeybo badan oo dalka.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku xooggan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu billaabanayo wajiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka yihiin dalalka Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

The post ABSHIR Axmed Macalin oo sanado badan kadib isku soo dhiibay ciidamada dowladda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this