Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka difaaca oo ka jawaabay eedeyntii Sanbaloolshe ee dagaalka (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   
Jaamac.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka jawaabay eedeymo uu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe u jeediyay qaabka ay dowladda u dejisay qorshaha wejiga labaad ee dagaalka.

Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Soomaaliya Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, islamarkaana aysan ka qeyb-galin dadka deegaanka oo iyagu door muhiim ah ka qaatay wajigii koowaad ee dagaalka.

“Dagaalkan waxaa u weyna ee guushiisa keenay waa in Shacabka iyo Shabaab la iska horkeenay, dagaalka marka dowladda hogaamineyso dib u dhac iyo jab ayaa ka imaada, marka dadka hogaaminayo horumar iyo guulo ayaa ka imaada,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Wasiirka Gaashaandhiga oo VOA ay arrintaas wax ka weydiisay ayaa waxa uu sheegay in dowladda aysan ka leexan nidaamkii ay markii hore ku billowday dagaalka ee ka tala-gelinta dadka deegaanka iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed.

“Dagaalkan waa dagaal shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin oo shacabka iyo dowladda ay iska kaashanayaan, guulaha la gaaray waxaa lagu gaaray iskaashiga shacabka iyo dowladda, haddana kii ayaa ku raadjoogna oo deegaan walba oo la xoreynayo dadkiisa ayaa ka tala-gelina,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

“Inta harsan waxaa rejaynayna in shacabka Soomaaliyeed ay iska kiciyaan oo u istaagan, hadda kahor kaalmo fiican ayay na-siiyaan shacabka. Waa aaminsahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed nin maanta raba in Khawaarij deegaankiisa u joogaan majirto.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu xusay in qorshaha wejiga labaad ee dagaalka ay doorkooda ka qeyb-gelineyso dadka deegaanka, hase yeeshe ay qorshaha dagaal uu qorsheeyo dowladda oo ay iyadu dejineyso, iyada oo marnaba iska fogeyn shacabkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhamaan deegaanada aan ka howl-galno shaqooyinkii loogu tala-galay in shacabka nagala qabtaan wey kala qeyb-qaadanayaan waajibaadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Cid kasta oo maamulada iyo deegaanada waa kaashanayna oo waa howl-galina.”

Hoos ka dhageyso wareysigaan oo qeybihiisa hore uu wasiirku kaga hadlayo arrimaha dagaalka Al-Shabaab.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/03/01000000-0a00-0242-fdda-08db2ec5baac_48k.mp3The post Wasiirka difaaca oo ka jawaabay eedeyntii Sanbaloolshe ee dagaalka (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this