Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan

Recommended Posts

Deeq A.   
337869283_1457656281308997_6974051503919

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo dalka burburkii kadib.

Warshadaan oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhisamaheeda 37-milyan oo doollar, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo dhiirri-gelinaya maalgashiga Warshadaha iyo wax soo-saarka beeraha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada.

“In aan wax soo saarano oo warshadaheena dib u kicino, oo shaqooyinkii qaban jireen oo weliba sii casriyeysan qabtaan waa tallaabo wanaagsan oo dhaqaalaha dalka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee istaraatijiga noo ah wax ka qabana waaye,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Wax weyn ayay ka bedeli doonta baahida aan qabno, ayada oo ognahay inta aan soo dhoofsano iyo lacagta adag ee inooga baxda bur, in aan gudaheena kasoo saarano waxay keenni doonta horumar wanaagsan oo dhinicii dhaqaalaha iyo bulshadaba ah Ilaahay idinkiis.”

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa qorsheynaysa sannadaha dhow in la sameeyo aag u gaar ah Warshadaha, wuxuuna ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan xarumaha dowladda in la banneeyo, si loogu adeeggo dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in cunto yaridu ay tahay dhibaato weyn oo caalamka heysata, sidaas awgeedna ay xukuumaddu dhiirri-gelinayso maalgashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee xagga warshadaha iyo wax soosaarka beeraha.

Warshadda Burka oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor).

337869283_1457656281308997_6974051503919 337516851_119262477728026_80532486665085 338249877_230742719478781_29465865948610 337992645_3063028310671271_6012833265638 337726201_219588054073541_19022425083603 337815381_922481105660390_14833055692052 338177259_526401659706578_45030213586114

The post Sawirro: Xamza oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this