Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaashii ka yimid Muqdisho oo booqday furimaha dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1679898316182-1.jpg?resize=720%2C

Odayaasha dhaqanka Koonfurta Soomaaliya ee ka yimid magaalada Muqdisho ayaa maanta booqday jiidda dagaalka Laascaanood.

Odayaasha oo ay weheliyaan isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa kormeer ku sameeyay furimaha dagaalka ee ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

Ujeedka kormeerka ayaa sida la sheegayo la xiriiray in ay indhahooda ku arkaan goobaha dagaalka iyo masaafada ay isu jiraan labada ciidan ee dagaallamaya.

Odayaasha ayaa kormeerkooda kadib u sii gudbay gudaha magaalada Laascaanood si ay soo arkaan baaxadda khasaaraha gaaray magaalada gaar ahaan goobaha Somaliland duqaynaysay.

Odayaasha ka yimid Koonfurta Soomaaliya oo raadinaya in nabad lagu dhameeyo colaadda Laascaanood ayaa diidma kala kulmay dhinaca Somaliland halkas oo ay rabeen in ay gudbaan.

FB_IMG_1679898326535-1.jpg?resize=611%2C FB_IMG_1679898330865.jpg?resize=720%2C96 FB_IMG_1679898338033.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1679898316182-1.jpg?resize=720%2C

PUNTLAND POST

The post Odayaashii ka yimid Muqdisho oo booqday furimaha dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this