Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo shaaciyay degmada ugu dilalka badan gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   
Yuusf-madaale.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa xalay shir gaar ah uga qayb-galay degmada Kaaraan, kaas oo looga hadlayey xaaladda amniga.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa maamulka Kaaraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi, ayada oo inta badan laga hadlay dhibaatada Kaaraan.

Mid kamid ah odayaasha deegaanka oo ka hadlay madasha ayaa ka dhawaajiyay inay wajahayaan xaaladdii ugu xumeyd ee dhanka amniga, wuxuuna farriin toos ah u diray Madaale oo kulanka fadhiyay, isaga oo ka codsaday inuu la dagaalo ciyaal weerada.

“Ninka shalay qoray wax ku dhici jiray maanta laba Maqar ayuu iska soo qaadanayaa ayaa waxa uu ku leeyahay ciyaal weero ayaan ahay waxaan rabnaa marka guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho waxaan ka codsaneynaa in magacaan ciyaal weerada ee dadkii lagu laayay in uu wax ka qabtom” ayuu yiri mid kamid shacabka.

Dhankiisa duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kaaraan ay tahay degmada ugu dilalka badan ee gobolka Banaadir, isla-markaana ay ku sugan yihiin kooxo biurcad iyo ciyaal weero oo si isku mid ah u dhibaateeyada dadka shacabka ah.

“Degmada Kaaraan waa degmada ugu dilka badan waa degmada ugu dhaca badan waa degmada ugu baaba’san waa degmada ugu mugdiga badan waayaym” ayuu yiri Madaale.

Sidoo kale waxaa uu sababta ay ku timid arrintaan ku sheegay wada shaqeynta la’aanta ka dhex jirta shacabka degmada Kaaraan iyo saraakiisha laamaha amniga.

“Waxaa yeelaayo dadkeeda ayaana diyaar aheyn, dadkeeda haddii ay diyaar yihiin waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno,” ayuu markale yiri duqa Muqdiso.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay dhibaatada kooxaha ciyaal weerada ay ku hayaan Muqdisho, isaga oo sheegay inay mar kasta soo daba kacaan odayaal iyo waalidiinta qaar, isaga oo taasi ka digay, wuxuuna sheegay in dadkaasi iyaguna ay la dagaalami doonaan

“Ciyaal gaangiistarada burcadda ah haddii lasoo qabto odeyga daba jooga iyaga ayuu lamid yahay hooyada daba joogtana iyaga ayay lamid tahay” ayuu ku daray guddoomiyuhu.

Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka dhaca waqooyiga Muqdisho, waxaana haatan wajaheysaa xaaladdii ugu darneyd ee amniga, taas oo dib u dhigtay degmadaasi.

The post Duqa Muqdisho oo shaaciyay degmada ugu dilalka badan gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this