Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha oo Bulshada Shabeellah Dhexe Ugu Baaqay La Dagaalanka Isbaarada

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Aadanee gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo halkaas si diiran loogu soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa, isagoo uu  wehlinayay  Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle mudane Cali Guudlaawe.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada degmada Aadan-yabaal uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada Qaranka ayaa sheegay in degmada iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Al-shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah isaga oo sidoo kale ka dalbaday in ammaanka laga wada shaqeeyo gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa markale ku celiyay in gobolka Shabeellaha dhexe ay yaallaan isbaarooyin tira beel ah, kuwaas oo lagu dhibaateeyo dadka ku safra gobolka, isaga carabka ku dhuftay haddii bulshada ay u istaagin waxkaqabashada isbaarada aysan dowladdu awoodin in meel kasta ay ay ciidan ay waardiyaa dhigto.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu tusaale u soo qaatay gobollada la dariska ah Shabeellaha dhexe, kuwaas uu xusay in bulshada ku dhaqan iyo waxgaradkooda ay u istaageen in lala dagaalamo dadka isbaarooyinka dhibta, isaga oo gabagabadiii hadalkiisa ku baaqay in bulshada degmada ay u istaagaan sidii deegaannada kale loo xoreyn lahaa.
Twitter: @TheVillaSomalia
336289443_1326342404880100_7726697955890
336294319_610854470544797_15389344337443
335632497_1194933157788289_2181992153698
336339061_477351914516508_30581735488320

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this