Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdi uu hogaaminayo oo saaka safar ugu baxay degmada Aadan Yabaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar ugu amba-baxay magaalada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Madaxweynaha waxa sida la sheegayo safarkaas ku weheliya wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Amniga guud ee degmada Aadan Yabaal ayaa aad loo adkeeyay waxaana halkaas ka socda u diyaar-garowga soo dhaweynta Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta ku wehelisa safarkiisa.

Madaxweyne Xasan oo ay u tahay markiisii koowaad uu tago Aadan Yabaal tan iyo intii laga qabsaday Shabaab ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdi uu hogaaminayo oo saaka safar ugu baxay degmada Aadan Yabaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this