Cowke Posted July 16, 2010 Kuliyada Macalimiinta ee GTEC Oo Lagu Soo Kordhiyey Qayb Cilmi Baaris Ah (Sawiro) July 15, 2010 Kuliyada tababarka macalimiinta ee GTEC ayaa maanta waxaa lagu qabatay munaasabad balaaran oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin kala gadisan oo ka socdaay dawladda Puntland,Aqoonyahano iyo ardayda wax ka barata kuliyada. Masuuliyiintii kasoo qaybgalay munaasabada lagu furaayay qaybta cilmi baarista kuliyada GTEC ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa. Waxaa munaasabadaan ugu horayn ka hadlay maamulaha GTEC C/risaaq Shoole oo sheegay in maanta ay isugu yimaadeen furitaan qaybta cilmi baarista ee Kuliyada tababarka Macalimiinta ee GTEC. C/risaaq Shoole ayaa intaa ku daray in ay muhiim wayn u leedahay in la helo qayb cilmi baariseed iyo dad aqoontaa leh,waxaana uu sheegay in kuliyada ay ku dadaasho si ay kor ugu qaadi lahayd baarayaasha Puntland loona heli lahaa macalimiin tayo leh. Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa isna halkaas ka sheegay in loo baahnaa qaybtaan lagu soo kordhiyey kuliyada,wuxuuna xusay in waxyaabaha laga faa’ido Cilmi baarista in ay ka mid tahay in ardayda kuliyada oo keliya ay is yaqaanan balse marka ay timaado cilmi baarista ay dad badan is baranayaan. Wuxuu intaa ku daray in maanta ay si lumayso taariikhda Soomaaliya ayna u baahan tahay in la daba qabto,waxaana ardayda iyo macalimiinta kuliyada uu kula dardaarmay sidii ay cilmi baaristooda ay ugu darsan lahaayeen qaabka loo daba qaban karo taariikhda Soomaalida. Kuliyada maanta lagu soo kordhiyey qaybta Cilmi baarista ee GTEC ayaa ah mida lagu tababaraayo macalimiinta Puntland iyo weli dhalinyarada kasoo baxda dugsiga sare kuwasoo loo tababaraayo Macalinimo. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe-Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites