Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo diiday ergadii nabad-raadinta colaadda Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
muu.webp?resize=1000%2C824&ssl=1

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sida la xaqiijinayo amar ku bixiyay in aysan Somaliland soo gelin ergada nabad-raadinta ee ka timid koonfurta Soomaaliya.

Somaliland weli kama hadlin sababta ay ku diiday ergada nabad-raadinta colaadda Laascaanood oo sida ergadu sheegtay ka madax-bannaan arrima siyaasadeed.

Ergadan oo ka kooban odayaasha dhaqanka beelaha koonfurta Soomaaliya ayaa raadinaya in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda Laascaanood.

Odayaasha oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in ay u sii gudbaan dhinaca magaalada Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo diiday ergadii nabad-raadinta colaadda Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this