Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalo dhan oo ay baabi’isay duufaan ku dhufatay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 26 qof, ayaa ku dhintay gobollada Mississippi iyo Alabama, kadib markii duufaan ku dhufatay gobollada koonfureed ee Mareykanka.

Dadaalka baadi goobka iyo samata bixinta ayaa sii socda, waxaana dowladda gobolka Mississippi ay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah.

Fork-ga Rolling, baabuurta la jajabiyey iyo qashinka quraarada ah ee waddooyinka daadsan – ayaa magaalada gebi ahaanba ka dhigay wax baaba’ay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka, ayaa BBC-da u sheegay inuu nasiib u yeeshay inuu helo fursad uu kusii noolaado, ka dib markii uu gabaad ka raadsaday saxanka qubeyska.

Guryihii ay qoyska iyo asxaabtu isugu yimaaddeen wax ka yar 24 saacadood ka hor, oo u diyaarsanaa dhammaadka toddobaadka, ayaa gabi ahaanba noqotay wax burburtay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this