Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo xadidaya isticmaalista Baraha Bulshada ee caruurta

Recommended Posts

Deeq A.   

Utah ayaa waxay noqotay gobolkii ugu horaysay ee ku yaalla dalka Maraykanka, oo kusoo rogtay hirkadaha Warbaahinta Bulshada, inay helaan oggolaanshaha waalidka ee caruurta iyo dhalinyarada, si ay u isticmaalaan barnaamijyadooda.

Waxay sidoo kale u baahan doonaan inay xaqiijiyaan in isticmaalayaashu ay yihiin ugu yaraan 18 jir.

Guddoomiyaha xisbiga Jamhuuriga ee gobolka, Spencer Cox, ayaa sheegay inuu saxiixay laba sharci oo cusub oo arrintan la xiriirta, si loo ilaaliyo dhalinyarada gobolka.

Xeerarka ayaa siinaya waalidiinta inay si buuxda u maamulaan akoonnada internetka ee carruurtooda, oo ay ku jiraan fariimaha gaarka ah iyo qoraallada.

Oggolaanshaha cad ee waalidiinta ama dadka ardayda masuulka ka ah, ayaa lagama maarmaan u noqon doona dhallaanka, si ay akoonnada ugu sameeyaan codsiyada, sida Instagram, Facebook iyo TikTok.

Xeerarka ayaa sidoo kale kusoo rogaya xanibaaddo Baraha Bulshada, kaasoo xannibaya gelitaanka carruurta inta u dhaxaysa 10:30 galabnimo. iyo 6:30 subaxnimo, ilaa ay si kale u waalidiinta caruurta mooyaane.

Sida ku cad sharciga, shirkadaha Warbaahinta Bulshada ma awoodi doonaan inay ururiyaan xogta carruurta, ama la beegsadaan xayeysiisyada iyaga.

Labada sharci – oo sidoo kale looggu talagalay inay fududeeyaan sharciga ka dhanka ah shirkadaha baraha bulshada – ayaa waxay dhaqan geli doonaan bisha Maarso 1, 2024.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this