Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada S/land oo war ka soo saartay Dagaalka Saaka ka qarxay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
WAR-SAXAAFADEED
Hargeysa-26-03-2023 Kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maamulka Puntland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa Barqadii Maanta oo ah maalintii Afraad Ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxa ay weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan duleedka Magaalada Laascaanood.
Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag ayay isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ah oo maalmahan u danbeeyayba abaabulkiisa waday kuwaasoo ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer. Xiligan lagu gudo jiro bisha Ramadaan ee khayrka leh oo ah bil cibaado iyo Alla ka cabsi, balse aanay huwantu xeerinayn wanaaga Alle ina Faray.
caateeye.webp

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this