Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Maxammad atam I will continue my jihad against puntland

Recommended Posts

Max’ed Saciid Atam Oo Ku Hanjabay In Uu Sii Wadayo Dagaalka Uu Kula Jiro Puntland

Written by Haatuf

Aug 11, 2010 at 11:32 AM

Boosaaso, (Qarannews)-Hogaamiyaha dagaalka kula jira Maamulka Puntland ee Max'ed Saciid Atam ayaa sheegay in uu sii wadayo dagaalada uu kula jiro Maamulka Puntland, isagoo intaasi ku daray in haatan ay ku hareereysan yihiin deegaanadii ay qabsadeen ciidanka Puntland

 

Max'ed Saciid Atam oo ah hogaamiyaha dagaalka kula jira Ciidamada Maamulka Puntland oo shalay markii ugu horeysay ka hadlay dagaaladii ka dhacay deegaanada Puntland ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kala soo horjeedaan Ciidamada Maamulka Puntland.

 

Atam oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay dhibaatooyin gaadhsiiyeen dad rayid ah markii ay qabsadeen deegaanka Galgala iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow, waxaana uu tilmaamay in halkaasi ay tageen sida uu sheegay saraakiil Maraykanka oo Sawiro ka qaatay goobihii lagu dagaalamay.

 

Hogaamiye Atam ayaa sheegay in haatan ay ku hareereysan yihiin Ciidamada Puntland, isagoo intaasi ku daray inay ugu talagaleen ka bixitaankii ay isaga baxeen deegaanka Galgala.

 

Sidoo kale Max'ed Saciid Atam ayaa sheegay in dagaalkii shalay ciidamada Puntland ay kaga gubeen gaadiid dagaal, islamarkaana ay khasaare xoogan gaadhsiiyeen, waxaana uu wacad ku maray inay sii wadi doonaan dagaalada ilaa inta ay ka tirtirayaan waxaa uu ugu yeedhay Ashahaado la dirir.

 

Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this