Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmo laga saaray AL-SHABAAB

Recommended Posts

Deeq A.   
337868111_770537244410768_64156269177284

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar aan horay loo sii shaacin ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa madaxweynaha booqashadaan ku wehlinaya wasiirka gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyay ammaanka degmadaasi, si loo xaqiijiyo amniga madaxweynaha waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay halkaasiu.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira mid uu ugu guur-galayo xaaladda degmadaas oo in ka badan 15 sano saldhig weyn u aheyd kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmi doono waxgaradka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto talooyinka ay qabaan.

Waxaa sidoo kale madaxweynuhu tegi doonaa xeryaha ciidamada, si uu dhiirageliyo, una kormeero sida ay tahay xaaladdooda, maadaama ay ku jiraan xaalad dagaal.

Aadan Yabaal ayaa waxaa markii la xoreeyay horay ka booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Waa markiisii koowaad ee uu madaxweyne Xasan tagayo Aadan Yabaal kadib markii dagaal looga qabsaday kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay howlgallada ka socda HirShabelle.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa horay u booqday deegaano ku yaalla Shabeelaha Dhexe, sida Nuur Dugle, Masaajid Cali Guduud iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmo laga saaray AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this