Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-shabaab laga xoreeyay in ka badan 70 degaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shaacisay in hawlgallada ka socda dalka lagu dilay in ka badan 3000 kun oo Shabaab ah.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalladaas sidoo kale lagu dhaawacay ilaa 3700 oo ka tirsan Al-shabaab.

Warbixinta wasaaradda difaaca dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in sidoo kale Al-shabaab laga xoreeyay in ka badan 70 degaan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ciidamada kala duwan ee dowladda oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta ee heer degaan ayaa fuliyay hawlgallada sida ay sheegtay wasaaradda difaaca dalka.

FB_IMG_1679741321456.jpg?resize=678%2C96 FB_IMG_1679741325462.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-shabaab laga xoreeyay in ka badan 70 degaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this