Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Madaale oo Ka Warbixiyay Safarkiisii Magaalada Riyaad

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyay safar shaqa oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay Boqortooyada Saudi Arabia, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka magaalada Riyaad, isaga oo halkaas kula qaatay kulamo kale duwan.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa sidoo kale warbaahinta ka sheegay in sharciga lala tiigansan doono shaqsiyaadka ka macaasha sameenta Documentiyada been abuurka ah ee dowladda hoose Xamar” Waxaan u sheegayaa kuwa Fake ku shaqeysto iyo kuwa isdhahaayo aad meel ku gaartiin, Fake iyo Taswiir meel laguma gaaraayo, waa inaad ka digtoonaatiin” ayuu yiri isaga oo hadlayay.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay Ummada Soomaaliyeed in ay ka faaideystaan gudashada bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana ay ka fagoodaan waxkaste oo burin kara Soon-kooda, sidoo kalena ay caawiyaan walaalaha danta yar ee aan heli karin Afurka iyo Suxuurta.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this