Cowke Posted July 9, 2010 Muqdisho:”Aniga & Kooxda hada Madaxda dalka ka ah mawada shaqeynkarno”Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir. 9. juli 2010 Muqdisho:(Allpuntland)-Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay fikirkiisa dawlada imika jirta & in uu xil ka qaban karo,wuxuuna sheegey in xukuumada jirta uusan diyaar u ahayn inuu xil Heer wasiir ah ka qabto. Maxamed Dheere wuxuu cadeeyey sababta diiday in uu kamid noqdo xukuumada jirta,waxaana uu sheegey in Xukuumadani ay tahay midii Maxaakimta & ARS-ta,sidaas darteedna uusan isagu lashaqeynayn marna,laakiin uu diyaar u yahay in isaga oo madax banaan uu dalkiisa u shaqeeyo. “Aniga & Kooxda Shariif ee imika dalka hogaamisa mawada shaqaynkarno,waayo Kooxdani waa midi Maxaamiimta oo aanu waagii is dagaalnay aniga oo ahaa Isbahaysigii argagaxiso ladirirka,marka aniga & Maamulkani mawada shaqayn karno xilna iima aysan magacaaban,sidaas darteed anigu shacabkayga waan caawinayaa Dawladana anoo rayid ah baan la shaqeynayaa”Ayuu yiri Maxamed Dheere. Gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir islamarkaasna ahaa duqii magaalo madaxda dalka ee Muqdisho waqtigii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf wuxuu soo dhaweeyey go’aankii dhawaan kasoo baxay Shir madaxeedkii Igad oo uu ku tilmaamay mid wax ka badali kara xaalada qalafsan ee dalka,isagoo sheegey in Ciidamada imaan doona uu lashaqeyn doono si ay dalka oo dhan uga howl galaan. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites