Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox qorsheyneysay weerar argagixiso oo lagu qabtay magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   
Booliiska la dagaalanka argagixisada ee dalka Britain ayaa sheegay in ay shan nin u xidheen tuhuno argagixiso. Nimanka ayaa booliisku ka qabteen magaalooyinka Worcester, Birmingham, Leicester iyo Bradford.

Magaalooyinkan ayaa ka mid ah deeggaanada ay jaaliyadaha Muslimiinta ahi ku badan yihiin inkasta oo aan la shaacin jinsiyadaha iyo meelaha ay raggani kasoo jeedaan

Raggan oo da’doodu u dhaxayso 26 ilaa 67 sano jir ayaa la soo qabtay iyaga oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen dambiyo la xidhiidha argagixiso iyada oo lagu oogay qodobka 15 ee sharciga argagixisada ee la ansixiyey sannadkii 2000 iyo si ay u bixiyaan lacag/hanti loo isticmaalo falalka argagixisada.

Booliiska ayaa sheegay inaysan jirin khatar degdeg ah oo ku wajahan ammaanka shacabka. Dhamaan raggan ayaa la geeyey Gobolka Galbeedka Midlands oo baadhitaan wareysi ah laga qaadey markii danbena lagu sii daayey damiin sidda Booliiska gobolkaasi xaqiijiyey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this