Sign in to follow this  
AYOUB

Santa Comes to Lascaanod Town..

Recommended Posts

AYOUB   

Wasiirka maaliyada ee Puntland mudane Gaagaab oo wafti uu hogaaminayaa beryahaanba ku sugnayd magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu halkaa ka wadaa hawlo muhiim ah oo u taageero ugu raadinayo maamulkiisa, iyadoo ciidamada labada maamul ee puntland iyo Somaliland isku horfadhiyaan magaalada duleedkeeda.

Balse sida aan wararka ku helayno,wasiirka maaliyada Punland oo xarun ka dhigtay Hotel Hamdi oo ah koonaha magaalada looga baxo dhinaca Garoowe, waxa u baarkin garaysan gawaadhi lacag cusub ah oodhowaan la soo daabacay ,lacagtaas oo loo keenay Laascaanood in lagu kasbado taageerada odayaasha iyo shacabka deegaankaas.

Hotel Hamdi ayaa wuxuu noqday suuqa lagu kala bedesho lacagta,iyadoo doolarkii laga waayey magaalada,taasoo lagu bedelanayo lacag dhowaan la soo daabacay.

"Go'yaasha shaalka ah ee odayaashu wataan,waxaad ku arkaysaa guntimooyin ka lusha oo aadan garin karin waxa ku guntan" sidaa waxa noo sheegay nin oday ah oo naga codsaday in aan lamagacaabin.

"ujeedada ugu weyni waa in uu kala daadiyo qolyaha ka soo horjeeda,wuxuuna u adeegsanayaa odaydhaqamedyada magaalada,isagoo balan qaadaya lacago badan" ayuu yidhi isagoo hadalkiisa swii wata odaygaasi.

 

 

"lacag dhowaan la soo daabacay" smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this