Deeq A. Posted March 24, 2023 Caawa Afurka ka hor waxa Cusbitaalka International hortiisa ka dhacay shil aad u xun, gaadhi qaadle ah oo xawaare aad u sarreeya ku socda ayaa ilmo yar jiidhay, ilmaha yar walaw aanu dhakhtarku xaqiijin haddana uma muuqan mid noolaa, markii la qaadayay . Layaabku waxa uu ahaa in wadaha gaadhiga qaadku uu bilaabay in uu qaadkii ka wareejiyo gaadhiga isga oo aan ilmihii yaraa qaadin, waliba dhakhtarku 5 tallaabo wax ka yar ayaa uu u jiray, waa damiir xumo halkii ugu sarreeyay. Waxa se farxad ahayd in dhalinyaradii halkaa joogtay arrinkaa ka dhiidhiday, oo u diidday in gaadhiga qaadkii laga wareejiyo iyada oo dhaawacii (maydkii) ilmaha yar isla goobta wali yaallo. Qaadku waxa uu ku hayaa halis aad u badan badqabkeennii, dhaqaalaheennii iyo dawladnimadeenniiba! Qaran News Share this post Link to post Share on other sites