Sign in to follow this  
Deeq A.

Abuu Cabaas, Muscab iyo xubno badan oo Shabaab ah oo lagu dilay howlgal

Recommended Posts

Deeq A.   
AL-Shabaab-Al-Shabab-scaled.jpg?fit=2560

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo Nabad-sugidda Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galkan ayaa waxay ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland ay ku dileen 23 kamid ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jireen laba horjooge oo kala ahaa; Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab).

Howl-galka qorsheysan ayey ciidanku ka fuliyeen deegaanada Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus iyo Yaaq dabayl oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegeen in howl-galkaan ciidamada iskaashanaya ka fuliyeen deegaanadaasi ay ku burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Shabaabka.

Howl-galkaan ayaa daba socday howl-galo ay maalmihii dambe ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland ka sameynayeen gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo lagu soo qabtay xubno Shabaab ah laguna furtay hub kala duwan.

Howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka billowday deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland, ayada oo kooxda Al-Shabaab ay weli xoogan yihiin deegaano kamid ah maamulkaasi.

Dowladda ayaa guulo horleh ka sheegatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna shaacisay in tan iyo markii uu billowday wajiga koowaad ee howl-galada socda in lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna dhaawacay 3,700 oo kale.

The post Abuu Cabaas, Muscab iyo xubno badan oo Shabaab ah oo lagu dilay howlgal appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this