Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Dalka Dib Ugu soo Noqday

Recommended Posts

Hargeysa(Qaran)- Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland,Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [C/Raxmaan Cirro]ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,ka dib markii uu socdaal gaar ah oo ku tagay wadanka Sucuudiga.

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland,oo maanta Saxaafadu kula kulntay dhabada diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa,ayaa hambalyo u diray Ciidamada qaranka,waxana uu sheegay in Somaliland muddo badan ay u samraysay sidii ay nabadgelyo ugu gaadhi lahayd xadkeeda,hase yeeshee ay Puntland joojin weyday gardarada iyo faro-gelinta ay ku hayso soohdimaha Dalka.

 

Waxana uu sheegay in ay lama huraan tahay in la soo dhawweyo waxnba loo qabto shacbiga ku dhaqan Gobolka Sool.

 

Md Cabdiraxmaan Cirro,waxa uu sheegayin uu dalka Sucuudiga uu kula kulmay,Jaaliyadaha Somaliland ee Magaalooyinka Riyaad iyo Jida,oo uu xusay inuu kala hadlay xaalada wadanka iyo sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen horumarinta dalka.

Gudoomiyaha Wakiiladu,waxa uu sheegay in Jaaliyadaha Somaliland ee sucuudiga uu ay ku hawlan yihiin sidii ay dalkooda wax ugu soo tari lahaayeen.

 

Waxa kale,oo uu intaas ku daray in uu soo dhamaystay cimradii,oo uu u tagay dalka.

 

Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland,waxa madaarka Hargeysa ku qaabilay,Gudoomiye Ku Xigeenkiisa Labaad Md Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this