Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobabka gu’ga oo hakad geliyay isu socodka Laamiga Garoowe iyo Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Isu socodka gaadiid Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa maanta hakad galay kadib roobab mahiiggaan ah oo xalay ka da’ay hawdka degmada Buurtinle.

Roobabka oo mir iyo mayay-ba leh ayaa mawjado daadad ah ku fatahay jidka laamiga ah taas oo hakad gelisay isu socodka gaadiidka isaga goosha bari iyo Koonfur.

Daadadka ugu xooggan ayaa ku rogmaday degaanka Jalam oo ka tirsan degmada Buurtinle waxaana sida la sheegayo ka dhashay khasaare hantiyeed oo kala duwan.

Roobabka gu’ga oo si galgaal-bax ah uga curtay dhulka hawdka ah ayaa weli ka sii da’aya miyiga u dhow magaalada Buurtinle.

PUNTLAND POST

The post Roobabka gu’ga oo hakad geliyay isu socodka Laamiga Garoowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this