Sign in to follow this  
General Duke

US support for TFG to the tune of $149 million,

Recommended Posts

Maraykanka oo ku balan qaaday inuu DFKS siinayo 149.3 malyan oo dollar

Last Updated::2007-08-20 07:33:36

 

Madaxweynaha Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday in dawlada Maraykanku ay ku balan qaaday in ay DFKS siinayso 149.3 malyan oo dollar taas oo qayb ka ah taageerada Washington ee ku aadan dawlada Somaliya

Madaxweyne Cabdulahi Yusuf oo dhowaan ka soo laabtay booqasho uu ku tegay magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in kaalmadani ay muujinayso in dawlada Maraykanku ay diyaar u tahay ina ay ka taageerto DFKS sidii ay Somaliya uga saadhi lahayd xasilooni darrida isla markana ay u xaqiijin lahayd nabad waarta oo ka aslaxda dalka Somaliya .

 

Waxaa madaxweynaha Somaliya intaa raaciyay in horumarkan la gaaray wada xaajoodyo kadib dhex maray isaga iyo ergayga Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somaliya John M. Yates iyo madaxa hay'ada USAID

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaliya Cabdulahi Yusuf Axmed oo ka faalooday hawlgalada xoogan ee dhinac amaanka ee ay magaalada Muqdisho ka wadaan ciidamada DFKS oo ay garab siinayaan ciidamada Ethiopia ayaa waxaa uu sheegay in hawgaladan ay ka sii socon doonaan gebi ahaanba Somaliya ilaa laga soo afjarayo amaan darrada ka taagan dalka.

 

Faysal wakaalad

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Condoleezza Rice oo dhambaal bogaadin ah u dirtay shirka dib u heshiinta Somaliya

 

Last Updated::2007-08-20 07:31:27

 

Xoghaya arrimaha dibeda ee dalka Maraykanka Condoleezza Rice ayaa waxaa ay dirtay ka qayb galayaasha shirka dib u heshiinta qaran ee ka socda Muqdisho dhambaal ay ---

ku bogaadinayso guulihii uu shirka ka gaaray wajigiisi kowaad ee laga soo gudbay iyo horumarka uu gaaray shirku ilaa iminka .

 

Waxaa Condoleezza Rice ay dhambaal keeda ku sheegtay in xalinta colaadaha mudada dheer ee ay ka qayb qaataan dhamaan beelaha ,ururada bulshada ,ururada haweenka iyo culu'ma'udiinku iyo ganacsatada waaweyni ay tahay talaabada u horeeysa ee loo qaaday dhinaca ku soo dabaalida Somaliya xasilooni iyo nabad waarta.

 

Waxaa ugu damaynti ay Rice ku sheegtay dhambaalkeeda mawqifka Maraykanka ee ku aadan in dhamaan Somalidu ay ka qayb gal waxku ool ah ka geystaan shirka dib u heshiisinta qaran kaas oo u jeexaya DFKS tubta mudada uga harsan waqitigeeda si markaas loo qabto doorooshooyin qaran sanadka 2009

 

 

Faysal wakaalad

wakaalad@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Washington,DC: Dowlada Mareykanka oo soo dhaweysay qodobadii ka soo baxay Shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

 

20. august 2007

 

Washington,DC(AllPuntland)- Warsaxaafadeed laga soo saaray Wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey Qodobadii shalay ka soo baxay shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

 

Xukuumada Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso shirka Muqdisho sida uu socda ,isla markaana qodobadii shalay yihiin kuwa lugu farxo loogana baahan yahay beelaha Soomaaliyeed in ay sida ay tahay fuliyeen.

 

Xoghaya arrimaha dibeda ee dalka Maraykanka Condoleezza Rice ayaa sheegtay in ay cod ku taageerayso shirka Dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ,ayadoo ergada ugu baaqday in aysan qodobadii ay gaareen aysan Muqdisho uga tagin.

 

Condoleezza Rice ayaa intaasi raacisay in looga baahan yahay ergada in Jawiga labaad ee shirka siwanaagsan looga wada hadalo ,si bay tiri dalka Soomaaliya looga saaro dagaalo ahli ah oo ku jiray waqti dhan 17 sanno.

 

Dowlada Mareykanku waxa ay sidoo kale ku baaqday in kooxaha ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya ay tagaan magaalada Muqdisho kana qeybgalaan shirweynaha soomaalidu iskugu timid ee Magaaladaasi ka socda.

 

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa ku soo beegmay ayadoo shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo si xawli ah uga socda magaalada Muqdisho.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this