Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: R/W Xamza oo soo xiray cayaarihii ka socday Muqdisho – Yaa qaaday Koobka?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa galabta soo xiray tartanka kubadda cagta ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir oo sanadkaan ay koobka qaadeen cayaartoyda degaanka Gubadley ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa  u hambalyeeyey xulka deegaanka Gubadley oo ku guuleystay Koobka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir oo ka socday Caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, isagoo guddoonsiiyey Koobka tartanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey xulka degmada Warta-Nabadda oo soo gaaray cayaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in cayaartoyda, macallimiinta iyo maamulka Kubadda Cagta ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.

“Waxaan rajeynayaa  in cayaaruhu ay dhallinyarada ka ilaaliyaan ku biirista fekerka xagjirnimada, ma shaqeyste-nimada iyo daroogada, jidka toosanna ku hagaan,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxaan kuligeen u xil saarannahay inaan nabadda ka shaqeyno oo isku xirnaanno guryaheenana garan waaga ka saarno.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku tilmaamay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, kana tarjumaya qiimaha nabadda iyo is-dhexgalka bulshadu ay u leeyihiin horumarka caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.

Hoos ka daawo

The post Daawo: R/W Xamza oo soo xiray cayaarihii ka socday Muqdisho – Yaa qaaday Koobka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this