Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Ethiopia oo liiska argagixisada ka saaray TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka Ethiopia ayaa Arbacada maanta ah ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalka.

“Aqalka wuxuu cod aqlabiyad leh ku ansixiyey go’aan calaamdeynta argagixiso looga qaaday TPLF,” ayuu baarlamanka ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook.

Tallaabadan ayaa sida qoraalkaas lagu sheegay xoojin doonta heshiiski nabadda ee November 2022 ee u dhaxeeya TPLF iyo dowladda.

Heshiiska lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa waxaa qeyb ka ah in TPLF ogolaatay inay hubka dhigto, si loo soo celiyo marinadii gobolka Tigray oo dunida inteeda kala laga go’doomiyey intii uu socday dagaalka.

TPLF oo mar ugu awood badneyd siyaasadda Ethiopia, ayaa waxaa si rasmi ah argagixiso loogu calaamadeeyey May 2021, lix bilood kadib markii dagaalka uu qarxay.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Ethiopia oo liiska argagixisada ka saaray TPLF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this