Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dhamaan madaxda DF oo isugu tagtay Tiyaatarka – Maxaa ka socda?

Recommended Posts

Deeq A.   
madaxda-qaranka-xasan-xamse-madoobe.jpg?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Wakaaladda Murtida iyo Wacyi-gelinta ee Tiyaatarka Qaranka waxaa caawa ka socota munaasabad weyn oo lagu soo bandhigayo waxqabadkii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xukuumadaan oo loogu magac-daray ‘Danqaran’ ayaa hadda jirsatay lix bilood, waxaana caawa masraxa Tiyaatarka Qaranka lagu soo bandhigayaa wixii u qabsoomay 6-daas bilood.

Munaasabadda oo hadda socota waxaa ka qeyb galay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, xubnaha golaha wasiirrada, xildhibaanno, masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda ayaa inta ay socoto waxaa dadweynaha ka soo qeyb galaya ay su’aalo ka weydiin doonaan Xukuumadda, waxyaabihii u qabsoomay muddadii lixda bilood ee la soo dhaafay.

Madaxshaan oo marka hore dood wadaag ah, waxay madaxda xukuumaddu ka jawaabi doonaan su’aalaha bulshada, iyadoo intaas kadibna lasoo bandhigi doono waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda.

Waa dhif munaasabadaha noocaan ah ee hey’adaha dowladdu ay ku soo bandhigaan wax qabadkooda, waliba ayagoo ogol inay toos uga jawaabaan weydiimaha ka imaanaya bulshada.

Dhamaan madaxdii ugu sareysay dalka ayey caawa kulmisay munaasabadaan ka socota Tiyaatarka Qaranka, waxaana lagu wadaa in lagu soo bandhigo ducomentry ay toos u daawa doonaan madaxda qaranka.

Intii ay jirtay xukuumadaan waxaa socday dadaalo badan oo dagaalka Al-Shabaab uu ugu horeeyo, waxaana lagu guuleystay in dhul badan laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, oo ah dhibaatada ugu weyn ee dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan.

337507244_231292886070029_54496751056638 337299321_599229415411672_32758705378765 madaxda-qaranka-xasan-xamse-madoobe.jpg? madaxda-dowladda-federaalka-Soomaaliya-u madaxda-dowladda-federaalka-Soomaaliya.j madaxda-qaranka-Df.jpg?resize=696%2C464& madaxda-dowladda-federaalka-Soomaaliya-t Xasan-iyo-Xamse.jpg?resize=696%2C464&ssl

The post Sawirro: Dhamaan madaxda DF oo isugu tagtay Tiyaatarka – Maxaa ka socda? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this