Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Kulan La Qaatay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qado sharaf hoygiisa ugu sameeyay Guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Golaha Aqalka Sare uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Xukuumadda ansixinta shuruucda kaabaysa Dhaqaalaha, Amniga, Deyn-cafinta iyo Arrimaha Bulshada.
Golaha Aqalka sare ayaa Kalfadhigii labaad waxaa ay kusoo ansixiyeen 11 Hindi Sharciyeed iyo xubnaha guddiga madaxbannaan ee dib u eegista Dastuurka, kuwaas oo faahreeb iyo wax kabadel ku sameyn doona Dastuurka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this