Sign in to follow this  
General Duke

Secessionist puppets humiliate the people of SOOL + Garad Saleban, Hashi talk of war

Recommended Posts

Laascaanood: Somaliland oo saaka guryaha Laascaanood Baareysa & Dadka laascaanood oo Rabshado dhigaya.

27. oktober 2007

 

Laascaanood(AllPuntland)- Ciidanka maamulka la baxay Somaliland ayaa saaka ka bilaabay gudaha Magaalada Laascaanood baaritaano ay ku baarayaan sida ay sheegayaan wararka laga helayo ,guryaha kuyaala gudaha Magaaladaasi.

 

Ciidamada soo duulay ayaa waxa ay adeegsanayaan gaadiidka Maxaabiista oo fara badan iyo kuwa dagaal ee qoryuhu saaran yihiin ,ayagoo baaraya dadkii rabshadaha magaalada ka dhigayay maalmihii ugu danbeeyey.

 

Dadka ka soo horjeeda ciidanka deegaankooda qabsaday ayaa muujinayey maalmihii ugu danbeeyey dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in ay ciidankaasi iskaga haajiraan deegaankooda ,ayagoo ku tilmaamay ciidamada uyimid kuwa ay soo hogaamiyeen dad aan udhalan gobalka Sool.

 

Mid ka mid ah dadkii dibaxdyada dhigayay oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi Waraf ayaa Shabakada AllPuntland usheegay in rabshadaha wadayaan ilaa inta ciidanka Daahir Riyaale Kaahin ,ay ka baxayaan gudaha gobalka Sool.

 

"Waxaan wadaynaa rabshadahaan waana nagu waajib in aan muujino codkeena ,sababtoo ah waxaa na qabsaday ciidan ka soo duulay Hargeysa iyo meelo ka shisheeye ,hadii ay Somaliland sii wado qabqabashada dadka ayna soo celin dadkii la qabtey waxaa dhicirka falal xun-xun" Ayuu yiri Maxamed Cabdi Waraf.

 

Saaka ayaa ciidankaasi waxa ay howlaha ka bilaabeen xaafada Waqooyiga Magaalada ,halkaasi oo ah meesha ay joogaan dadka ugu badan ee ka soo horjeeda Maamulka la baxay Somaliland.

 

Dadweynaha inta badan dhigaya Mudahaadyada ayaa ka soo horjeeda ciidanka magaaladaasi la wareegay 15-Bishan ,waxa ayna muujiyaan codkooda ayagoo markaasina dalab ujeedinaya dowlada faderaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Xukuumada Puntland oo ciidankeeda kala soo baxday Magaalada Laascaanood 15-Bishan,ayaa waqtigan isku diyaarineysa in ay dib ugu laabto gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad Saleebaan oo sheegay inay xabad ku qabsan doonaan magaalada Laascaanood

 

Laascaanood (WNT)-Garaad Saleebaan oo ka tirsan Isimada ka soo jeeda magaalada Laascaanoofd ayaa shaaca ka qaaday inay magaalada Laasacaanood xabad ku qabsan doonaa, isagoo meesha ka saaray inay haysashada magaalada wax gor gortan ah ku gelayaan.

 

Garaadka ayaa sheegay in magaalada ay ku soo duuleen dad aan u dhalan waxaanau wacad ku maray inay iska celin doonaan kana saari doonaan magaalada kooxaha ku soo duulay.

 

Magaalada Laascaanood oo ay qabsadeen maamulka Soomaaliland oo kaashanaya malayshiyaad deegaanka 15-kii bishan ay ku jirro ayaa xiisad colaadeed oo xooggan ka abuurtay gobolka, waxaana magaalada Laascaanood ka dhashay barakicii ugu weynaa iyadoo hay’adaha caalamiga laga codsaday inay gar gaar la soo gaaraan dadka guryohooda ka qaxay.

 

Dhinaca kale magaalada Laascaanood ayuusan ka jirin wax dhaq dhaqaaq ganacsi ah,waxaana waddooyinka laamiga ku go’an dhagxaan iyo ciid taasi oo masaabixi weyday kooxda magaalada qabsatay inay wax shaqo ah ka sameeyaan.

 

Shalay ayey ahayd kolkii ay isku dayeen inay dhaqxaanta ka guraan laamiga taasina ay keentay dhaawac 7 ruux oo rayad ah iyo dhimashada labo ka tirsan malayshiyaadka magaalada Qabsaday, waxana arintaani keentay in magaalada laga qafaasho 20 ruux kuwaasi oo la sheegay in lagu xiray xabsiga mandheera ee waqooyiga Hargaysa.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudida Odayaasha Buuhoodle Oo Baaq Ay Ku Canbaaraynayaan Somaliland Soo Saaray

 

(Buuhoodle}25.10-7

Gudida Odayaasha Buuhoodle oo ah Guddi ka kooban Guud ahaan ardaayada kala duwan ee Deegaanka Buuhoodle ayaa labadii Maalmood ee tegay waxay u fadhiyeen Kulamo xidhiidh ah oo ay kaga tashanayaan isbedeladii Dhowaan ka dhacay Magaalada laascaanood,

 

waxaana ay ugu dambayntii saaka soo saareen Baaq ay si kulul ugu cambaarynayaan Weerarkii gardarada ahaa ee lagu soo qaaday laascaanood & dhibaatooyinkii ka dhashay ee lahaa Dilka, Dhaawaca, xadhiga, barakaca, qaxootinimada & hanti Burburka.

 

Gudida oo Baaqooda u qaybiyey Qaybaha warbaahinta ayaa Baaqoodu waxa uu ka koobnaa qodobadan.

 

1. Gudida Odayaasha Buuhoodle waxa ay Cambaaraynayaan Weerarkii gardarada ahaa ee lagu qabsaday magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

 

2. Gudida Buuhoodle waxay si weyn uga xun yihiin Dhibaatooyinka ay shacabka Gobolkaas ku keentay qabsashadii laascaanood sida, Dilka, Dhaawaca, xadhiga, barakaca & hanti burburka.

 

3. Gudida Odayaasha Buuhoodle waxa ay ugu Baaqaysaa Maamulka Somaliland inay Ciidamadooda kala baxaan Gobolka Sool Si loo badbaadiyo dadweynaha Gobolkaasi.

 

4. Gudida Buuhoodle waxay ugu baaqaysaa Waxgaradka & dadweynaha Beesha *********** inay kulan wada tashi isugu yimaadaan magaalada Buuhoodle si looga wada tashado arinta taagan.

 

Magacyada Gudida Odayasha Buuhoodle ee Baaqa soo saaray

 

1. Maxamuud xaaji Cumar camey

 

2. cawaale Jaamac raygal

 

3. Hindi Maxamed aadan

 

4. caaqil cabdiraxmaan axmed Olol

 

5. Cabdi Hogod Yuusuf

 

6. Maxamed jaamac Biixi

 

7. Axmed xasan xaaji Cumar caydhboob

 

8. Xaaji Axmed Aadan Xaad

 

9. xasan Ciise wacays

 

10. cabdi Ducaale darwiish

 

11.aadan cali Axdar

 

12. Cabdilaahi xasan Qambi

 

13. Cali xasan falliidh

 

14. saalax Xaaji Cali

 

15. Cabdilaahi Jaamac Haaruun

 

16. Maxamuud faandhe raage

 

17. cabdirashiid xaaji samatar

 

18. Cumar Axmed Soodaani

 

19. Caaqil cabdi Jaamac Halac

 

20. Cabdisemed Gorse Biixi

 

21. xasan Macalin Maxamed

 

22. Cabdirashiid Cabdilaahi faracadde

 

23. Cali Maxamed Qadaadwagareed

 

24. Cali Faarax Maxamed

 

25. Ismaaciil Xirsi Shabeelle

 

26. Xiis Ibraahin Diiriye

 

Widhwidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadkii ciidamada Somaliland ka qafaashen Laascaanood oo la geeyey Burco

 

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in dadkii shaley ay magaaladaasi ka qafaasheen maleeshiyaadka maamulka Somaliland la geeyey degmada Burco ee Gobolka Togdheer.

 

 

 

Dadkan oo tiradoodu gaarayso 52 qof oo isugu jira Haween, Dhalinayro yar yar, iyo dad da’a ah ayaa shaley waxaa magaalada Laascaanood ka qafaashey oo xoog ku kaxaystay ciidamada Maamulka Daahir Rayaale Kaahin ka dib markii dadkaasi ay si weyn uga horyimaadeen ficilo gurucan oo ciidamada Somaliland ka wadeen gudaha oo ay ka mid tahay inay gubaan calanka Soomaaliya oo ay magaalada ka dhex taagaan calanka maamulka la magac baxay Somaliland taasi oo si weyn uga careysiisey dadweynaha reer Laascaanood.

 

 

 

Dadkan Laascaanood laga qafaashay ayaan wax maxkamad ah la soo taagin waxaana lagu hayaa saldhiga iyo xabsiga magaalada Burco, iyadoo qaar ka mid ah dadweynaha reer Burco ay ku tilmaameen falkaasi mid lagu doonayo in la isaga horkeeno shacabka Sool & Togdheer, iyagoo ka dalbadey horseedayaasha ciidamada Daahir Rayaale Kaahin in dadkan laga qaado magaaladoda Burco oo la geeyo meel kale mar hadii aan lagu haysan wax dambi ah oo laga soo qafaashey deegaankoodii.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa haatan socda dadaal balaaran oo ku aadan sidii looga sii deyn lahaa ciidamada Somaliland dadkan maatida ah ee laga qafaashey magaalada Laascaanood.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Minneapolis: "Somaliland ha ka baxdo Laascaanood ,hadii aysan ka bixin wixii dhaca Masuuliyadeeda waxaa qaadaya Daahir Riyaale Kaahin" Maxamed Cabdi Xaashi.

26. oktober 2007

 

Minneapolis(AllPuntland)- Madaxweynihii uu talada kala wareegay Madaxweynaha hada haya Madaxtinimada Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay xaaladaha dagaal ee ka jira gobalka Sool.

 

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa siweyn uga hadlay xaaladaha dagaal isagoo markaasi sheegay in loo baahan yahay in ay Somaliland ciidamadeeda ka daadgureyso gudaha magaalada Laascaanood ,isla markaana ay tagaan meelihii ay joogeen ayna tahay Xuduudooda.

 

Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaadey in hadii aysan Somaliland ka bixin magaalada laascaanood ay talaabo deg deg ah ka qaadayaan Maamulka la baxay Somaliland ,ayagoo ah Umada ku dhaqan gobalka Sool.

 

Mr.Xaashi oo ah siyaasi rug cadaa ah lana socdey dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada laascaanood ,ayaa sheegay in aysan waxba soo kordhin ,isagoo markaasina ugu baaqey Somaliland in ay deg deg uga baxdo magaalada Laascaanood.

 

Max'ed Cabdi ayaa digniin uu ku tilmaamay tii ugu danbeysay ujeediyey maamulka Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin,wuxuuna sheegay in Daahir Riyaale Kaahin ay yihiin rag is yaqaan ayna ka doonayaan in uu wiilasha ka daad gureeyo Magaalada laascaanood ,duleedkeeda hadii kale uu la kulmayo waxyaabo uu hadal heyn doona mudo dheer waa sida uhadal udhigeye.

 

Md.Maxamed Cabdi Xaashi ayaa mudo ahaa Madaxweynaha Puntland ,mar ka sii horeysaneyna wuxuu Madaxweyne kuxigeenka Puntland ,isagoo la weydiiyay isagoo saxaafada la hadleyey hadii la doorto mar kale wuxuu qabanayo.

 

Wuxuu sheegay in aysan Somaliland soo hadal qaadeyn dagaal ay soo qaadaan iska daaye arimaha SS iyo Cayn loogana baahan yahay shacabka Puntland in ay udiyaar garoobaan doorashooyinka ka dhacaya Puntland.

 

Hadalka Madaxweynihii uu talada kala wareegay Cadde Muuse ayaa ku soo beegmay xili Maamulka hada ka jira Puntland dhaliilo xoogan kaga imaanaya Shacabka Puntland ,isla markaana hada Maamulka Cadde Muuse wado dadaaladii ugu danbeeyey ee ay dib ciidamadooda ugu celinayaan Magaalada Laascaanood.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isimada Buuhoodle oo u ambabaxay Garoowe Lana Kulmi Doona cadde Muuse

 

(Buuhoodle}21.10-7

Isimada Deegaanka Buuhoodle ayaa u ambabaxaya xarunta maamul Goboleedka Puntland ee garoowe waxana ay halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Puntland Cadde Muuse oo u yeedhay Isimada....................

 

kulan ay saaka ku yeesheen isimadu ayaa lagu gorfeeyey dalabkii ka yimid cadde muuse ee ku aadanaa in isimada gobolku ay gaadhaan garoowe si ay ula kulmaan madaxda DGPL, waxaana goor dambe la isla qaatay in la ajiibo codsiga madaxweynaha.

 

lama oga illaa hadda waxyaabaha ay isimadu kala wada hadli doonaan madaxda Puntland, waxase loo badinayaa in ay kulankooda hadhayn doonto qabsashada ay ciidamada Somaliland ku qabsadeen magaalada laascaanood maalmo ka hor & sidii ay puntland dib ugu qaban lahayd magaalada .

 

Xuseen Kurdi

 

Widhwidh Online

 

Buuhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Baaq Ka Soosaaray Xiisada Colaadeed Ee Deegaanka

 

(Laascaanood}21.10-7

Garaad Jaamac"Kadib markaan eegay xaalada colaadeed ee kajirta gobolada Sool,Sanag iyo Cayn,markaan u kuurgalay dareenka dadwaynaha iyo xiisada colaadeed ee ka aloosan deegaamada Waxaan ku baaqayaa Qodobadan" .......................

 

BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM

 

KA: GARAD JAMA GARAD ALI

 

21/10/2007

 

KU: Cidii ay khusayso

 

Ujeedo: Baaq.

 

 

Kadib markaan eegay xaalada colaadeed ee kajirta gobolada Sool,Sanag iyo Cayn,markaan u kuurgalay dareenka dadwaynaha iyo xiisada colaadeed ee ka aloosan deegaamadaa. Muuqashada ay muuqato in uu bilaabmo dagaal lagu riiqmo oo dhiig badani ku daato lagana yaabo inuu goboladan oo dhan ku fido.

 

Waxaan ku baaqayaa Qodobadan:

 

1. In ciidamada maamulka Somaliland ay ka baxaan gobolada SSCayn

 

2. In Maamulka Puntland ay joojiyaan abaabulka dagaal si loo badbaadiyo dhiig daata.

 

3. In Issimada iyo waxgaradku isugu yimaadaan magaalada Buuhoodle.

 

4. In laqabto shir dagdaga oo dadyowga SSCayn ay aayahooda kaga tashadaan.

 

5. In midnimada SSCayn ay muqadas tahay.

 

Wabilaahi towfiiq

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca kale Maxamad Cabdi Xaashi oo horey u ahaan jirey Madaxweynaha Puntland isla markaana u tartamey doorashadii Puntland ayaa gashanka u duruurey in aysan kala qaybsaneyn beelaha gobolka Sool isaga oo tilmamey in ay jiraan kooxo mashruuc ku soo qaatey weerarka Somaliland soo qaadey.

 

Xaashi ayaa xusey in aan xoog leysku qabsan karin isla markaana Somaliland wada haysan gobolka Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Agaasimaha hotel Xamdi oo sheegay in xubnaha maamulka Hargeysa ay xoog ku degan yihiin hotelka balse aysan---

Last Updated::2007-10-27 21:13:51

 

Laascaanood:-Agaasimaha hotel Xamdi ee magaalada Laascaanood Maxamuud Doordoon ayaa waxa uu sheegay in xubnaha maamumlka Hargeysa ee degan hotelka ay --

xoog ku degan yihiin balse aysan iyagu raali ka ahayn in ay degaan hotelka maadama shacabka Sool aysan raali ka ahayn joogitaankooda

 

 

Waxana uu intaa ku daray in uu isagu ku wargeliyay xubnahan in ay ka guuran hotelka iyada oo la bad baadinayo waxyeelo ay shacabka gedoodsani soo gaarsiiyaan hotelka balse ay arrintas ku gacan sayreen

 

Waxana uu Mr Doordoon uu sheegay inuu ku war gelinayo shacabka SSC in mulkiilayasha hotelka iyo hawl wadeenada ka shaqeeya aysan iyagu raali ka ahayn balse hotelka la qabsaday sida degaanka loo qabsaday

 

C/hi Caaqil

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this