Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xaflad ka dhacday Villa Somalia ku saxiixay 8 sharci

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxda-Dowladda.jpeg?fit=2048%2C1365&ss

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad xalay ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1- Sharciga La-dagaallanka Argagixisada.
2- Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.
3- Sharciga Socdaalka.
4- Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha.
5- Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis.
6- Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha.
7- Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
8- Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah. 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Sharciyada madaxweynaha saxiixay ayaa qaarkood ah kuwa muhiim ah sida kan Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo sharciga la-dagaalanka argagixisada.

Si kastaba, sharciyada qaar sidan kan la-dagaalanka argagixisada ayaa waxaa laga muujiyey walaacyo ah in si khaldan loo adeegsan karo, laguna beegsan karo ciddii la doono, gaar ahaan dadka siyaasad ahaan diidan dowladda, ayada oo lagu soo oogayo eedo argagixiso.
Madaxda-Dowladda.jpeg?resize=696%2C464&s Xasan.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 337128907_761837265265596_31553476650796 336771260_237481468763169_60859183840384 Xasan-Sheekh-3.jpeg?resize=696%2C464&ssl Aadan-Madoobe.jpeg?resize=696%2C464&ssl= Cabdi-Xaashi.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Xamza.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Baashe-Yuusuf.jpeg?resize=696%2C464&ssl= 336773000_1185581822144137_6773137290219 337392565_138944102196958_20635569237930 Madaxda-dowladda-2.jpeg?resize=696%2C464 337390088_243548044686241_58960267812248

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xaflad ka dhacday Villa Somalia ku saxiixay 8 sharci appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this