Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiiradda XFS oo Meelmariyey Sharciyo Muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.

Sharcigan Golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa muhiim u ah maareynta arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka dadka ka soo qaxa dalalka dhibaatooyinku ka dhacaan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran Lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo la isla eegay qaabka bulshadda Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa meel kasta oo ay joogaan, isla markaana loo dhagaysto talooyinkooda muhiimka ah, si dowladnimadu u noqoto mid ku shaqaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this