Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiiradda oo meel-mariyay sharciyo muhiim ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
336689262_1394191891355456_7361190262404

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiiradda ayaa shir ay maanta yeesheen waxaa lagu ansixiyey Hindise-sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Shirkan oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda Dan-Qaran lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Sharcigan ay maanta meel-mariyeen Golaha Wasiiradu ayaa muhiim u ah maareynta arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka dadka ka soo qaxa dalalka dhibaatooyinku ka dhacaan.

Golaha ayaa shirkaan ku lafa-guray qaabka bulshadda Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa meel kasta oo ay joogaan waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda, si loo dhagaysto talooyinkooda muhiimka ah, islamarkaana ay dowladnimadu u noqoto mid ku shaqaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa afar bilood gudaheed ku ansixiyay 14 hindise-sharciyeed, kuwaasi oo qaarkood ay meel-mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shuruucda ay golaha wasiirada xukuumadda ay ansixiyeen muddadaasi ayaa waxaa kamid ah; Hindise-sharciyeedka korontada qaranka, sharciga NISA, kan aqonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, sharciga nidaamka maaliyadda khayraadka dhulka hoostiisa, sharciga dhiiri-galinta maalgashiga Soomaaliya, sharciga la-dagaalanka argagixisada iyo kan dhowrista xogta.

Si kastaba, xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Al-Shabaab.

336689262_1394191891355456_7361190262404 336177885_232126779193170_59048332492888336275398_6708817705812364_3582307101974336172570_767110104630787_17425319734313

The post Golaha Wasiiradda oo meel-mariyay sharciyo muhiim ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this