Sign in to follow this  
Deeq A.

Kalfadhiga Labaad Golaha Aqalka Sare oo Lasoo Xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xiray Kalfadhiga labaad ee golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, waxaana golaha intii uu socday fahigaan lagu ansixiyay dhowr hindise sharciyeed, kuwaas kasoo gudbay golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, oo gaarayo ilaa 12 sharci oo mid kamid aan la ansixin.

Sharciyadaan waxaa inta badan soo wada ansixiyay  labada Aqalka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaasoo loo gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo saxiixay  Sharciyo uu kamid yahay  Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA.

May be an image of text

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this