Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Ka Qeybgalay Janaasada Marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federlka Soomaaliya  Mudane oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BJFS ayaa Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyadda Qaranka uga qeyb galay salaada jannaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo ku geeriyooday Muqdisho.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Seeyseey waxa uuna Eebe ugu baryay in uu samir iyo iimaan ka siiyo, isagana naxriistiisa jano ka waraabiyo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda FederalkaSoomalaiya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in marxuumku uu ahaa halyeey qaran oo waqti dheer geliyay dhismaha dowladnimadda dalka, waxaana uu Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this