Deeq A. Posted March 20, 2023 Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ka qeyb-galaya mudaharaad ay ku baaqeen mucaaradka oo ka socda caasimadda Nairobi sida ay sheegtay VOA-da. Dibad-baxyda ayaa waxaa dhigaya taageerayaasha Isbahaysiga Azimio, kuwaasi oo ka cabanaya sicir-bararka nolasha Kenya oo aad u kacsan iyo sidoo kale dowladda madaxweyne William Ruto oo aysan ku qanacsanayn. Iska hor-imaad u dhaxeeya dibad-baxayaal dhagxaan tuuraya iyo booliska ayaa ka dillaacay qeybo ka mid ah Nairobi iyo ugu yaraan hal magaalo oo kale, taasi oo ah deganaansho la’aantii ugu horreysay ee dalka ka dhacda tan iyo markii sanadkii tegay la doortay madaxweyne William Ruto. Dowladda Ruto ayaa wacad ku martay inay mowqif adag ka qaadan doonto dibad-baxyada, kuwaaso oo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku adkeystay inay sii socon doonaan inkasta oo aysan ogolaansho ka haysan booliska. PUNTLAND POST The post Dibad-baxyo Rabshado wata oo ka socda magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites