Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey rabshado maanta ka socda magaalada Nairobi + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Nairobi.jpg?fit=1600%2C1200&ssl=1

Nairobi (Caasimada Online) – Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ka qeyb-galaya mudaharaad ay ku baaqeen mucaaradka oo ka socda caasimadda Nairobi.

Dibad-baxyda ayaa waxaa dhigaya taageerayaasha Isbahaysiga Azimio, kuwaasi oo ka cabanaya sicir-bararka nolasha Kenya oo aad u kacsan iyo sidoo kale dowladda madaxweyne William Ruto oo aysan ku qanacsanayn.

Iska hor-imaad u dhaxeeya dibad-baxayaal dhagxaan tuuraya iyo booliska ayaa ka dillaacay qeybo ka mid ah Nairobi iyo ugu yaraan hal magaalo oo kale, taasi oo ah deganaansho la’aantii ugu horreysay ee dalka ka dhacda tan iyo markii sanadkii tegay la doortay madaxweyne William Ruto.

Dowladda Ruto ayaa wacad ku martay inay mowqif adag ka qaadan doonto dibad-baxyada, kuwaaso oo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku adkeystay inay sii socon doonaan inkasta oo aysan ogolaansho ka haysan booliska.

Odinga oo ku adkeysanaya dibad-baxyada 

“Waxaan doonayaa in Kenyan-ka ay tiro badan kusoo baxaan oo ay muujiyaan qanacsanaan la’aantooda waxa dalka ka dhacay,” ayuu Odinga u sheegay dibad-baxayaal Axaddii.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibad-baxayaal isugu soo baxay meel u dhow xafiisyada dowladda ee caasimadda Nairobi, halkaasi oo la qorsheeyey in dibad-baxa ugu weyn uu ka dhaco.

Sidoo kale laba darsan oo dad ah ayaa lagu xiray faras magaalada Nairobi, kuwaasi oo badankood ah dhallinyiro, balse ay ku jiraan laba xildhibaan oo ka tirsan mucaaradka oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha senate-ka ee xubnaha laga tirada badan yahay Stewart Madzayo.

Booliska oo furay sunta dadka ka ilmeysiisa

“Waxaan halkan u imaanay si nabadeed balse waxay nagu fureen sunta dadka ka ilmeysiisa,” waxaa sidaas yiri Charles Oduor oo ah 21 jir ka qeyb-galaya dibad-baxa faras magaalada Nairobi.

“Maalin kasta been ayey noo sheegaan. Aaway budadii galeyda raqiista ah ee ay noo ballan-qaadeen? Aaway shaqooyinkii dhallinyarada ee ay ballan-qaadeen. Waxa kaliya ee ay sameynayaan waa inay shaqaaleeyaan saaxiibadoooda.”

Dadka Kenya ayaa la tacaalaya qiimaha cuntada aas-aasiga ah oo sare usii kacaya iyo qiimo dhac xoog leh oo ku yimid lacagta shilling-ka markii loo eego dollar, iyo abaar xooggan oo ka jirta qeybo ka mid ah dalka.

Nairobi.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 337022911_169897765893870_82400758998241 337006886_986748526066178_25992609078769 337101350_965254101584618_74804103744167 337108155_2124951561028654_8972966127537 337000799_574704764613105_28433512182327 337003049_1167271860602925_7607499457220 337255427_885180189438420_55090287744063 337051713_1213666545921045_2909817588945 337046373_1557780744716663_6213003008421 337161428_661521259317614_28911905886317

AFP

The post Wararkii ugu dambeeyey rabshado maanta ka socda magaalada Nairobi + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this