Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Beesha Caalamka oo maanta shir ku yeelanaya magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir u dhexeeya xukuumadda Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in uu maanta ka qabsoomo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweyne Siciid Deni oo ay weheliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa Nairobi kula kulmaya wakiilada Beesha Caalamka.

Shirka labada dhinac ayaa sida wararku xaqiijinayaan looga hadli doonaa qoondada Puntland ku leedahay Mashaariicda iyo dhaqaalaha dalalka Caalamku siiyaan Soomaaliya.

Xukuumadda Puntland ayaa deeq-bixiyaasha Caalamka ka doonaysa in ay si toos ah u siiyaan qoondada mashaariicda iyo dhaqaalaha lagu bixiyo magaca Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka danbaysay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxweyne Deni iyo Villa Somalia kaas oo sababay in qoondada mashaariicda qaarkood laga xannibo Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Beesha Caalamka oo maanta shir ku yeelanaya magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this