Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheeko caruureedda maalinba Nin baa u jila Somaliland oo masraxa la yimaadda….Maxamed Haaruun Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
Dagaalkii shalay ee Laascaanood nafo aad u badan baa ku baxay. Waxa aan ku qanacsanahay, oo maalin walba ii sii cadaanaysa in aanu dagaalkaasi xaq ahayn, oo khasab ahayn, oo aanu sinaba u sii socon karayn!
Maalintii 1aad ee xabaddu qaraxday, hadda waa markii mudaharaadayaasha la laayay December 2022, anigu waxa aan qoray article (On the massacre of Lasanod), waxaanan sheegay in sansaanka muuqda, uu dagaal la ma huraan yahay, xal ku na ku jiro in ciidanka meeshaas la ga soo qaado. Maalin kasta tii uun baa ii sii cadaanaysa, xal aan taas ahayni na ma jiro – xaasha. Qaran baa la difaacayaa iyo xuduudkeena taako ka tegi mayno, waa sheeko caruureed. Marnaba sheeko dad waaweyn ma noqon karto. Sheeko caruureedda maalinba nin baa u jila Somaliland oo masraxa la yimaadda, Saylici oo yidhi nabadda la baryi maayo ayaana u dambeeyay. Duf ku baxa doqomadiiyoow.
Waxaa Qoray:-Maxamed Haaruun Biixi
haaruun.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this