Hunguri Posted November 1, 2007 I dont have no doubt, that all of them have links with Ethiopia. However, the old man does not listn to every crap, and non-sense. Bal odaygii Rayaale ahaa iyo S-land tii eega . Allah kariim. Who is a reall stooge??? WARDHEER NEWS Itoobiya oo wada qorshe hoosaad lagu kala qaybinayo Soomaaliya WardheerNews, 31 Oct, 2007 ( WDN) - Qoraal uu soo gadhsiiyay wardheerNews wariye Tamrat Nega oo uu fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, ayaa uu ku sheegay in ra’iisal wasaaraha Itoobiya Md. Meles Senawi uu wado qorshe lagu aqaansanayo maamulka Somaliland. Qorshehaasi oo ka danbeeyay hawlgal uu Md. Meles uu u diray khabaro uu hormuud ka yahay wasiiru dawlaha arimaha dibada ee Itoobiya Dr. Alemu Tekede in ay daraasaad ku sameeyaan sidii xal looga heli lahaa siyaasada cakiran ee ka taagan Soomaaliya, iyaga oo ka duulayo danaha Itoobiya ee Geeska Afrika. Khabaradaasi ayaa la sheegay in ay u gudbiyeen Md. Senawi talooyin ku aadan xalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka koobnaa sadex qodob: Inay Itoobiya aqoonsato maamulka Somaliland, isla markaana ay qaado olole ay ku raadinayso aqoonsiga Somaliland. In Soomaaliya loo qaybiyo afar maamul goboleed. Kuwaasi oo kala ah 1) Puntland, 2) Hawiyeland, 3) Rahenweynland iyo 4) Jubaland. Maamulka Sooomaalida Itoobiya oo xooga la saaro sdii loo xadidi lahaa xidhiidhka uu la leeyahay Soomaaliya. Warkaasi ayaa intaasi ku daray in Md. Meles uu wadahadal ku aadan qorshahan la yeeshay madaxweynaha maamulka Somalind Md. Rayaale, madaxweynaha DFKMG C/laahi yuusuf iyo raiisal wasaarihiisii hore Geeddi. Md. Rayaale ayaa la sheegay in uu si aad ah u soo dhaweeyay arintaasi, halka uu C/laahi Yuusuf gaashaanka ku dhuftay. Qorshahan kala qaybinta Soomaaliya ayaa la sheegay in macaaradka Itoobiya in ay si aad ah u soo dhaweeyeen. WardheerNews Copyright © 2007 Wardheernews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 1, 2007 Md. Rayaale ayaa la sheegay in uu si aad ah u soo dhaweeyay arintaasi, halka uu C/laahi Yuusuf gaashaanka ku dhuftay Eesh calaa gaashaan Tolow gaashaan intee le'eg buu ahaa ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted November 1, 2007 Dee sow millitery man maaha. Waad ogtahay inuu hawada isku laba rogee Magaciisa ma garanaysaa. Waxa la yidhaahdaa... Dabin-Kabood Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 1, 2007 waar niyow haaye gaashaanka uu melez u sito ayaa la yidhi waa mid yaroo waabis mooyaane celin ma laha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted November 1, 2007 Hore ayaan kuugu sheegay. Ninkan magiciisu waa Dabin-Kabood. This may seem impossible to you, laakiin he will stick to his decision. Laga yaab Odayga Halyeey iga dheh.. PS:- Sheekha Jacaylka , Barigii Abdillahi Yuusuf Puntland madaxwaynaha ka ahaa. Ma xusuusataa Xildhibaanada Sanaag iyo Sool. Waxay daraja Rayaale ku waydiisan jireen. Waar Korneelkii ayaa Xuduudihii Puntland oo dhan soo xidhayee lacagta iyo darajjada kordhi Haddana waad aragtaa waxa ka danbeeyey. Somalidaa tidhaahda. ( Meel Aar ka kacay Attoor Sakaaro Fadhiisay) Niyow nagadaa wax intaa ka baddan masii wadi karnee Baaqiga Aabaa yaabay ayaynu kaga wada hadli doonaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 1, 2007 ............ haayoo halkanba berigii Ina Cigaal waatii soomaali oo dhami yaabtay ee qiblada halkan ka soo dhigatay ,, imikana dee waad arkaysaa ....... atoor fadhfadhiisay iga dheh Quote Share this post Link to post Share on other sites